Waare oo soo dhaweeyay go’aanka GM iyo HirShabeelle

Madaxweynhii hore ee Maamul goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa Farmaajo ugu baaqay in maalinta Sabtiga Soomaali oo dhan ay sugeyso kulanka uu la leeyahay Golaha Shacabka, wuxuuna kula taliyay inuu maro waddo dalkana dan ugu jirto, isagana badbaadin karta.

Warar Keydmedia Online
Waare oo soo dhaweeyay go’aanka GM iyo HirShabeelle

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka ay Maamullada Galmudug iyo HirShabeelle kaga hor yimaadeen muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo, uuna tageeray Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

“Waa go’aan wanaagsan, waa go’aan taariikhi ah, waa go’aan waqtigiisa ku soo aaday, waa go’aan aan aad u soo dhaweeyay, waxaana rajeynayaa in Allah uu wanaag nooga dhigo”, Ayuu yiri MW Waare.

Wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo, in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September 2020, wuxuuna hoosta ka xaqiiqay in xalku ku jiro wada hadallo mira dhala oo dhex mara saamileyda siyaasadda.

Wuxuu tilmaamay Afar qodob oo loo baahan yahay in si sax ah loo xalliyo, marka lagu laabto miiska wada xaajoodka, kuwaas oo kala ah;

  • In laga heshiiiyo maamulka doorashooyinka oo ay ugu horreeyaan Guddiyada Fadaraalka, eragada iyo odayasha.
  • Amniga doorashooyinka.
  • Guddiga Xallinta Khilaafaadka
  • Korjoogteyn, caddaalad ah, oo Soomaali iyo ajaanibba leh.

Maxamed Cabdi Waare, wuxuu sheegay in Khudbaddii Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday aysan ahayn tii laga filiyay, “Farmaajo Khudbaddii laga filayay ma jeedin, cudurka meesha yaal , kacdoonka jira iyo dhibaatada Muqdisho ka taagan, barakaca socda, sidii ay ahayd ugama uusan hadlin”.  Ayuu yiri Waare.

MW, Waare,Wuxuu Farmaajo uu baaqay inuu dalka badbaadiyo kulanka Sabtiga uu la leeyahay Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu sidoo kale kula taliyay inuu qaato doorkiisa xillga kala guurka, halka Madaxda Maamullada uu ugu yeeray in ay dhaqan galiyaan heshiiskii 17-kii September 2020, lagu gaaray magalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].