Sheekh Shariif oo ku baaqay mar kale dibad-bax

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay mar kale in dibad-bax ay sameyn doonaan golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo ku baaqay mar kale dibad-bax

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee dalka Ahna Guddoomiyaha midowga musharrixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay garab joogaan musharrixiinta xilka Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay dibadbax kale oo ballaaran, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamadii uu qaybta ka ahaa asaaskooda iyo dhismahooda loo adeegsado inay ka hor istaagaan dibad bax Nabadeed isagana ay weeraraan.

Si rasmi ah uma uusan shaacin xilliga la qaban doono bannaanbaxa, balse wuxuu sheegay in ay ka go'antahay in la sameeyo isku soo bax si loo muujiyo dareen dimuqraadiyadeed.

Golaha midowga musharaxiinta ayaa horay ugu baaqay isku soo bax 19 Febaraayo, waxaana hor istaagay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo habeenimadii Jimcaha la weeraray Hotel ka ay daganaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena la rasaaseeyay qaar kamida xubnaha golaha midowga musharaxiinta oo ku bannaanbaxayay waddada garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Lama oga isku soo baxan uu ku dhawaaqay guddoomiyaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed in uu qabsoomi doono iyo inkale, iyadoo dowladda Soomaaliya si adag ay uga hadashay dibadbaxyada oo ay ka hortagtay, waxayna ku tilmaantay falal amni darro, ciidamadii midowga musharaxiintana waxay ugu yeertay maleeshiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.