Sheekh Shariif oo ku wajahan Jowhar

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha doorashadda HirShabeelle, iyagoo doonaya inay dusha uga keenaan Madaxweyne aan shacabka dooran.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo ku wajahan Jowhar

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaaladda Jowhar, ee xarunta maamulka HirShabeelle oo ay ka socoto xiligan soo xulista Xildhibaanada.

Lama oga ujeedka safarkiisa, balse waxaa xusid mudan in Sheekh Shariif uu kamid yahay musharixiinta Febuary 2021 u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo wararka ay sheegayaan inuu u tagayo Jowhar arrimo ololahiisa doorashadda la xiriira.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.