Sheekh Shariif “Waxaan ku kalsoonahay in mar Labaad aan Madaxweyne noqon doono”

Muqdisho (Keydmedia Online) - Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha hadda uu wakhtigiisa sii dhamaanyo ee TFG-da ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda uu ku qabo inuu mar labaad noqdo Madaxweynaha Dowladda KMG ah, isagoona xusay in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uu ku qabo kalsooni ah inay mar labaad soo dooran doonaan.
Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif “Waxaan ku kalsoonahay in mar Labaad aan Madaxweyne noqon doono”

Shariif wuxuu sheegay inuu wax badan dadka iyo dalka uu u  qabtay sidaas aawadeedna ay dadka markale dib u soo dooran doonaan si buu yiri aan u dhameys tiro waxa yar ee ka dhiman wax qabadkeyda.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa ku soo beegmaya xili guddiga Qaramada Midoobey uu ku eedeeyay ragg uu Sheekh Shariif ku jiro inay xadeen oo ay ku maqantahay Malaayiin dollar.

Keydmedia Online - Xafiiska, Muqdisho