Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u digay Kooxda Al shabaab

MUQDISHU (Keydmedia) - Xasan Daahir Aweys oo ay Mudooyinkan is afgaranwaa la xariira Hubkii dhowaan ay Kooxda Al shabab kala baxeen Deegaanka Siinka dheer oo ku yaalla wadada dhexe ee aada Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay in ay si Deg Deg ah usoo celiyaan Hubkaasi.
Warar Keydmedia Online
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u digay Kooxda Al shabaab

Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu sheegay Warbaahinta in Hubka ay la haayeen dad Muslimiin ah oo uu ula jeeday Ururkii burburay ee uu hogaaamin jiray Xisbul Islaam, isagoo ugu baaqay inay soo celiyaan.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa hadda isweydiinaya waxa ay Hogaanka sare ee Al shabab ka yeelayaan Sheekhan gadoodsan oo dhowaanahan lasoo baxay Hadallo iyo Afkaarro cad cad oo uu ku weeraro Mabda’a Qaldan ee Kooxdan Shabaab-Qaacidda.

Dhacdadaan iyo midii ka horeysay ee Sheekha uu ku weerarayo qaabka qaldan ee Al-Shabaab ay ku baneystaan Hantida ay leeyihiin dadka ku nool Goobaha ay Xoogga ku hasystaan ee dalka Soomaaliya.

Hadalka Xasan Daahir ayaa imaanaya kadib markii Kooxda Al shabab ayaa Todobaadkii tagey kala baxay Guri weyn oo ku yaalla Deegaanka Siinka Dheer Hub aad u fara badan oo ka koobnaa 300 AK47, 22 BKM (daba-jeex) 16 M16, 3 dhashiike, hal B10 iyo rasaas aad u badan.

Keydmedia.net-Xafiiska, Muqdisho