Shiikh Muqdisho lagu xiray oo la sii daayay

Muqdisho(Keydmedia) Ciidamada kooxda Axmed Godane oo maalinkii Ciida ka qafaalay wadaad masaajid ku yaala xaafada suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa la warinayaa in ay hadda sii daayeen shiikha.
News Keydmedia Online

Dad ku sugan Suuqa Xoolaha oo la hadlay keydmedia ayaa waxa ay sheegeen in Shiikh C/raxmaan Axmed Rooble oo la walaal ahaa Shiikh Max’ed Axmed Boqol Soon uu dib u helay xoriyadiisa galinkii danbe ee shalay.

Sii deynbta Shiikha ayaa ka danbeysay kadib markii dadka deegaanka ay isku dayeen kacdoon dibad bax ah in ay sameeyeen si Shiikha Xorriyadiisa uu u helo, waxaana ka hor inta aanay dadka falkaasi ku dhaqaaqin kooxda ay iska sii deysay wadaadka.

Maalinkii kowaad ee ciida ayaa Masaajidyo ku yaalo Muqdisho, Baydhabo, Ceelasha ay ka fuliyeen xoogaga mucaaradka falal araxan darra ah oo lagu dhibaateeyay shacabka Salaadda ciida ku ooganeysay masaajidda, waxaana ay doonayeen kooxaha in Salaadda lagu tukado gobo ay iyagu calaamadeeyeen.

www.keydmedia.net