Shiikh Shariif: Wasaarada waxbarashada waa lala xisaabtamayaa

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Shariif Shiikh Axmed ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in lala xisaabtami doono wasaarada waxbarashada ee xukuumada Gaas sabab la xiriirta wax isdaba marin iyo musuq lagu sameeyay deeqaha waxbarashada.
Warar Keydmedia Online
Shiikh Shariif: Wasaarada waxbarashada waa lala xisaabtamayaa

“ Waa la baari doonaa min wasiir ilaa shaqaale hoose cid walba oo la tuhmo in ay lug ku leedahay musuqa waxbarashada lagu sameeyay qofna lama doodsiin karo xaqiisa” sidaa waxaa yiri ShariifAxmed.

Hadalka madaxweyne shariif ayaa ku soo beegmay xili hadal heynta ugu badan ay mudooyinkanba aheyd musuq lagu sameeyay deeqaha waxbarasho ee ay dowlada turkiga ugu tala gashay shacabka soomaaliyeed.

Lama oga in si dhab ah loola xisaabin doono dadkan la sheegay in ay ku eedeysan yihiin isdaba marinta deeqaha waxbarasho, waxaase la ogyahay in tan iyo wixii ka danbeeyay geerida Cadow deeqaha waxbarasho  in ay ahaayeen kuwa mar walba la musuq maasuqo.

WWW.KEYDMEDIA.NET