Shil dhimasho sababay oo ka dhacay Puntland

Saraakiisha booliska wadooyinka ayaa sheegay in shalay gelinkii dambe uu shilka ka dhacay degaanka Carmo ee gobolka Bari oo hoostaga Puntland.

Warar Keydmedia Online
Shil dhimasho sababay oo ka dhacay Puntland

BOOSAASO, Soomaaliya - Hal qof ayaa ku dhintay, 10 kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Tuuladda Carmo oo katirsan gobolka Bari kadib markii labo gaari ay isku dhaceen.

Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira hooyo iyo caruurteeda, kuwaasoo kamid ahaa shacab rakaab ah oo la socday mid kamida baabuurta isku dhacday, waxaana la dhigay Isbitaalka degaanka Carmo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.