Shil gaari oo ka dhacay gobolka Nugaal

Shil khasaare gaystay ayaa maanta ka dhacay tuulada Libaaxe ee gobolka Nugaal, waxaana gaariga shilka galay uu ku sii jeeday Garoowe.
 

News Keydmedia Online
Shil gaari oo ka dhacay gobolka Nugaal

NUGAAL, Soomaaliya- Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyooday, Saddex kalana wey ku dhaawacmeen kadib shil gaari oo maanta ka dhacay tuulada libaaxe ee gobolka Nugaal.

Gaariga ayaa noociisu ahaa Nooha, waxaana shilka uu yimid kadib markii uu rogmaday, waxaana dadka geeriyooday dhamaantood ay ahaayeen kuwa saaran gaariga. 

Dadka dhaawacmay oo Saddex qof ah, ayaa iminka xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayaa xarrumaha caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Garoowe.

Gaariga shilka galay ayaa ka soo ambabaxay magaalada Boosaaso, waxaana ku rarnaa raashin, isagoo ku sii jeeday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Degaannada Maamulka Puntland, waxaa inta badan ka dhaca shilal gaari, kuwaaso oo gaysta khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana loo sababeyaa xirfada darawallada oo liidata iyo waddo xummo baahsan oo ka jirta deggaanada uu maamulka ka arrimiyo.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.