Shil gaari oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Wararka ay keydmedia.net ka heleyso Gobalka Jubadda hoose ayaa sheegaya in isbitaalka guud ee magaalada kismaayo saacadihii la soo dhaafay la gaarsiiyay dad ay waxyeelo ka soo gaartay Shil gaari.
Warar Keydmedia Online
Shil gaari oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Shilkan ayaa ka dhacay duleedka Galbeed ee Magaalada Kismaayo deegaan ku yaal oo la yiraahdo Xaarxaar kaa oo qiyaastii 20km u jira kismaayo , waxaana shilkaasi ku geeriyooday 14 ruux oo u badan caruur iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo kale iyadoona shilkan uu dhacay shalay casir liiqii.

Geeriga shilka galay ayaa ka yimid dhanka xeryaha qaxootiga kenya waxaana uu ku soo jeeday Magaalada Kismaayo, waxaana ilaa iyo hada si dhab ah aan loo ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysay shilkaasi.

Maamulka Gobalka Jubadda hoose ayaa sheegay inuu u istaagi doono sidii uu wax ugu qaban lahaa dadka dhaawacan isla markaana gacan uga geysan lahaa aasida dadka geeriyooday.

Inta badan shilalka ka dhaca dalka ayaa loo aaneeyaa in ay ka danbeeyaan aqoonta darawalada oo kooban iyo wadooyinka oo ah kuwa si weyn u bur bursan.

www.keydmedia.net