Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Kulanka looga hadli doono Maalgashiga dalka iyo Amniga, oo ah labo arrimood oo isku xiran.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda uu Muqdisho ka furmo Shir u dhaxeeya dowladda Farmaajo iyo Wakiiladda Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in kulanka lagu qiimeyn doono Xaaladda amniga ee dalka iyo Maalgashiga lagu sameyn karo xilligan, oo Kooxda Al-Shabaab gacanta ku hayso gobolladii waxsoo saarka Beeraha.
Inta uu socdo Shirka, sida uu sheegay Beyle waxay kusoo bandhigi doonaan isbedelka ganacsiga iyo kaalinta dowladda ee dhiiragelinta Shirkadaha ajnabiga ee Maalgashiga ku sameeyay wadanka iyo qodono kale oo la xiriira sidii amniga wax looga qaban lahaa.
Turkiga ayaa ugu horeeya dalalka Maalgashiga ugu badan ku sameeyay Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho oo hadda goobaha ganacsiga ee ku yaalla alaabaha lagu iibiyo intooda badan laga soo dhoofiyo Turkiga.
Dowladda Farmaajo ayaa ku guul-dareysatay inay amniga hagaaajiso, si Soomaali badan oo cabsi darteed u maalgashadey dalalka deriska iyo kuwa ka baxsan ay u yimaadaan dalkooda, oo dib u dhiskiisa iyo soo nooleynta dhaqaalaha uga qeyb qaataan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments