Shir ka furmay xarunta Villa Somalia

Shir ayaa hadda wuxuu ka socda xarunta Villa Somalia, waxaana goor dhaw ku biiray xubno ka socda Beesha Caalamka.

Warar Keydmedia Online
Shir ka furmay xarunta Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada taabacsan dowladda iyo gobolka Benaadir, waxaana daqiiqado ka hor halkaasi gaaray madaxda DG iyo gobolka Benaadir.

Shirka waxaa ku biiray qaar kamida xubnaha Beesha Caalamka ee uu hoggaaminayo Ergayga wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxaana ku wehliya kulanka wakiilka QM ee soomaaliya, xubno ka socda Midowga Yurub iyo Dowladda Talyaanaiga.

Lama oga kulanka waxa looga hadlayo ama uu ku saabsan yahay, balse waxaa xalay soo baxay war ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya kaasoo loogu yeeray madaxda ka maqan shirka ee dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland in ay ku soo biiraan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.