Amniga Koonfur Galbeed oo laga shiray

Kulan looga hadlayay ammaanka degganada maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta ka dhacay xurunta ku meel gaarka ah ee Baydhabo.

Warar Keydmedia Online
Amniga Koonfur Galbeed oo laga shiray

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ ayaa maanta shir guddoomiyey shirka gollaha amniga MKG, oo ay qeyb ka ahaayeen taliyaha qeybta sedaxaad ciidanka AMISOM iyo sarakiil ka socday Dowlada ingiriiska.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Koofur Galbeed, kulanka waxaa looga hadlay, billaabidda howlgallo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab, waxaana warbixinno laga dhageytay qaar kamid ah saraakiisha laamaha amniga maamulkaas.

Shirkaan, waxaa la iska gartay in ka kordhiyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la qorsheeyay in xoogga la saarro gobolla Bakool iyo Shabeellaha hoose.

Kooxda Al-habaab ayaa siyaadisay, falalka amni darro oo ay ka geystaan degaannada maamulka, tan iyo markii dhalatay bishay barakeyan ee Ramadaan.

Hogaamiyaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed  Laftagareen ayaa u mahadceliyey sarakiisha laamaha amniga wuxuuna ciidanka ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca shacabka.

Todobaad kahor, Afar qof oo shacab iyo askar isagu jirta ayaa ku geeriyootey qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaaladda Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.