Shirka Golaha Wasiirrada oo caawa ka dhacaya Guriceel

Kadib dagaal kharaar oo muddo afar maalin ah ka holcayay Guriceel, ugu danbeyn waxaa galabta gaaray Madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor, oo hore loogu eedeeyay inu waddadii wadahadalka ka doortay jidka dagaalka.

Warar Keydmedia Online
Shirka Golaha Wasiirrada oo caawa ka dhacaya Guriceel

GURICEEL, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa galabta gaaray Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud, kadib markii maalin ka hor la soo gabagabeeyay dagaallo kharaar oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo Koox diimeedka Ahlu-sunna ku dhex maray magaalada todobaadkaan.

Safarka Qoorqoor, waxaa wehliya inta badan Golaha Wasiirrada Galmudug, waxaana caawa la filayaa in magaalada lagu qabto shirka Golaha, kaas oo diiradda lagu saari doono waxyeellada ka dhalatay dagaalka, sida dhibaatada gaartay danyarta, goobaha ganacsi iyo guryaha gubtay.

Qoorqoor, ayaa la filayaa inuu caawa kulamo la qaato, saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, Maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Guriceel, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay tabashooyin badan u gudbin doonaan hoggaanka Dowladda.

Qoorqoor, waxaa looga fadhiyaa, in uu gurmad iyo gargaar degdeg ah gaarsiiyo dan-yarta tabaaleysan, kana shaqeeyo sidii dib loogu soo celin lahaa, dadka ku dhibaateysan duleedka magaalada.

Qoorqoor, waa inuu ka shaqeyso daminta colaadda, wadahadal iyo wada-xaajood qoto-dheerna la gasho hoggaanka ASWJ, waa in dib magaalada looga saaro ciidamada ay la ciirciireyso ee laga soo daad-gureeyay Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.