Maalinta 4aad ee

Shirka Mudullood

Shirka Mudullood oo Muqdisho ka soconaya ayaa maalintii Afaraad galay, waxaana khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beelaha ku metelaya Baarlamaanka iyo Wasiiradda katirsan Xukuumadda Soomaaliya. 

Warar Keydmedia Online
Shirka Mudullood
August 06, 2020 - 3:37:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Akhristayaal halkaan ayaan ku joojineynaa tebeninteena tooska ah (LIVE ) ee Shirka Mudullood, Hoos waxaad ka akhrisan kartaa Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka. Mahadsanidiin.

KEYDMEDIA ONLINE

August 06, 2020 - 3:34:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

August 06, 2020 - 3:27:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Shirka war-murtiyeedka ayaa la aqriyay waxyaabihii ugu muhiimsanaa waxaa kamid ahaa in Beesha ay Garsoorka cadaalad darro tabaneyso, amniga magaalada oo xun.

Sidoo kale, waxaa loogu baaqay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda in si deg deg ah Al-Shabaab uga saaraan deegaanada Beesha Mudullood, dowladanna ku gacan siiso.

Beesha ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ugu baaqday inuu saxiixo 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir looga qoondeeyay Aqalka Sare ee soo socda.

In Gobolka Banaadir loo sameeyo Maamul Goboleed, oo dadka degan ay soo dooranayaan hogaankooda, si looga baxo in Madaxtooyadda laga soo magacaabo duqa Caasimadda.

Doorasho waqtigeeda ku dhacdo in si dhaqso ah loo dar-dar geliyo, waxeyna Beesha ka digtay muddo-kororsi ay sameystaan madaxda haatan talada haysa ee waqtigooda ka haray 5 bil. 

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale looga dhawaaqay gogol loo fidinayo Beelaha Soomaaliyeed, iyadoo looga mahad celiyay Beesha Caalamka oo Soomaaliya dhinacyo badan ka taageerto.

August 06, 2020 - 2:32:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Shirka Wadatashiga Mudullood oo maalmihii 3-aad, 4-aad, 5-aad iyo 6-aad ka socday Mowlaca Macalin Nuur ee Muqdisho ayaa la soo gabagabeynayaa Maanta oo Khamiis ah, waxaana hadda la aqrinayaa War-murtiyeedka.

August 06, 2020 - 2:30:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Xasan Sheekh Maxamuud, MD hore ee Soomaaliya: "arinta maqaam u sameynta Gobolka Banaadir iyo Caasimadda talada lagu gaarayo waxey u taalla umaada Soomaaliyeed, balse dadka malaayiinta ah ee ku nool gobolka Banaadir ayay sugeysaa in ay qabsadaan hoggaankeeda"

"Sheekh Shariif anaa wakiil ka ah salaan ayaan idinkaga sidaa wuxuu ku maqanyahay howl muhiim u ah shirka dhamaan umadda Soomaaliyeed."

August 06, 2020 - 2:18:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Duqa Muqdisho Cumar Filish: "Haddii loo baahanyahay hoggaan Umadeed ha ahaato dal ama Dad, waxaa lagama maarmaan ah in la kala aragti duwanaan doono, iyado ay sida ay tahay ayaa haddana loo baahanyahay in lagu midoobo danta guud".

August 06, 2020 - 2:13:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Senator Dufle: "Waxyaabo badan ayaa jiro inaan Beesha u sheego oo ah hormarinta deegnada, dhibaatooyinka xagga caafimaadka oo tasiilaadkooda aad u hooseeyo"

"Arinta metelaada gobolka Banaadir Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka maanta waan wada joogaan, waxaan rajeynaa in 13 kuris go'aan kaga gaari doono."

August 06, 2020 - 11:30:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Madaxweyne Laftagareen "Aniga oo Muqdisho jooga in aan ka maqnaado Beel sida aayahoda uga arrinsanayo damiirkeyga ayaa isiin waayay, Waxa aan rejaynayaa in shirka waxa kaso baxa uu Soomaalida oo dhan tusaale u noqon doono".

August 06, 2020 - 11:23:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo mekrafoonka lagu soo dhaweeyay ayaa lagu booqay, waxaana Hoolka ka bilowday sawaxan iyo sacab lagu diidanyahay

August 06, 2020 - 11:15:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Xaaji Muxudiin Xasan Cali Darbaweyne oo ku hadlaya afka xubin ka mid ah guddigii soo qaban qaabiyay shirka 

"Beeshaan waa dulqaad badantahay maxaa yeelay waxaad ku ogaan kartaa wixii sanadihii la soo dhaafay la soo maray, oo aan dulqaadka u muujinnay."

August 06, 2020 - 11:02:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Wabar Socdaal " Shirka Dhuusamareeb Raja Xumo ayuu nageliyay maadama uu ahaa Shir aan kamaqneeyn, Waxaan Rabnaa in aan ka mid Noqono ".

August 06, 2020 - 10:58:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Wabar socdaal oo dhaqanka Muddulood ka tirsan 

"Beerta hadaa la yiraa habeen hala gurto, wax badan lagama guri karo, marka dowladda hadda jirto annaga wax kuma lihina, beerta la guranayo waxaan wax ku yeelan karnaa marka la dhiso maqaamka gobolka Banaadir."

August 06, 2020 - 10:47:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Khaliif Macalin Nuur oo Aayadaha qur'aanka Kariimka ku daah furay shirka ayaa sheegay in shirkaan Ummadda Soomaaliyeed natiijadiisa la wada sugayo oo maanta si nabad ah ku soo dhamaanayo, isagoona Beesha ugu baaqay midnimo.

August 06, 2020 - 10:06:00
Keydmedia Online

Waxaa goordhow si rasmi ah u furmay shirka Beesha Muddulood oo maalintii 4-aad ka soconaya Mowlaca Maclin Nuur ee magaalada Muqdisho, islamarkaana la filayo in maanta la soo gabagabeeyo. 

Waxaana haatan Hoolka shirka ku sugan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Cali Mahdi Maxamed, Ra'iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi, xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Senator Muuse Suudi Yalaxow, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo duubabka dhaqanka, kuwaasoo ka qeyb galaya shirweynaha Wadatashiga Beelweynta Mudullood oo maanta la soo gabagabeynayo.

August 06, 2020 - 9:54:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Akhristayaal subax wanaagsan, kuna soo dhawaada Warbixinta tooska ah oo aan idinka soo tabineyno goosha Shirka Mudullood oo ka socda Mowlaca Maclin Nuur ee Muqdisho. 

August 06, 2020 - 7:53:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Maalitii Afaraad ee Shirka

August 05, 2020 - 4:32:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Waxaa socda shirar iyo kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Odayaasha dhaqanka iyo mas'uuliyiinta Beesha Muddulood, iyadoo la filayo in hoggaan cusub Beesha ku doorato kulanka, kadibna war-murtiyeed laga soo saaro shirka saddexda maalmood socday. 

Xubno katirsan Guddiga qaban-qaabada shirka Wadatashiga Mudullood ayaa Keymedia Online u xaqiijiyay in kulanka lasoo gabagabeyn doono saacadaha soo socdo, walow laga yaabo in ilaa berito la isla gaaro oo kulmada dheeraadaan.

August 05, 2020 - 4:27:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Eng Abdullahi Mohamed Sheekh: "Qof kasta oo Mudullood ah haddii uu 1$ bixiyo waxey dhistaa Soomaaliya oo dhan, deeganadeena anagaa dhisan karno waxaan degnaa Soomaaliya Deeganada ugu qanisan".

August 05, 2020 - 3:25:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi "Shirkaan waxan dhihi lahaa horay aan u iri, Haddana wan bogaadinaya sida wax u socdan ee hala sii dar-dar geliyo Haweeynkeynu waa lafdhabar dorkoda lamaami karo “.

August 05, 2020 - 12:22:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Shirka oo Saaka 10 subaxnimo soo bilaabay ayaa hadda la kala aaday Salaad iyo qado, waxaana sidoo kale la fasaxay Madaxweynaha Galmudug Axmed  Cabdi Kaariye Qoorqoor, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo marti sharafkii kale ee saaka ka soo qeyb galay shirka.

Aqristayaal hadii alle idmo, warbixinteena tooska ah waxaan sii wadi doonaa, markii laga soo laabto Qadada. 

August 05, 2020 - 11:29:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Cumar Cali Rooble, Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo "Waxaan rabnaa inaan idiin ballan qaado Maxaxweyne Farmaajo Bastoolad kuma imaan, haddane, haddan xilka loogu bogin isaga oo gacma raaraca ayuu ka baxayaa, Ninka ugu horreeyo ee gacanta qabanaya ee dhahaya waa qaldantahay waa aniga."

August 05, 2020 - 11:21:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Senator Cusmaan Maxamuud Dufle "Waxaan ku baaqayaa siyaasiyiinta, Ganacsatada, Qurba joogta iyo dhamaan bulshada rayidka ah in ay dib u dhisaan deegaanada Muddulood oo goobo alle ku maneestay bilicsami iyo barwaaqo."

August 05, 2020 - 11:06:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Hoggaamiye Cabdiraxman Cabdishakur Warsame "Waxa aan ka mahad celinaya sida naloo soo dhaweeyay, Shirkan in uu Guleysato ayaan rejeenayaa, dareenka oo wadajira hala cabiro, waxaa ka dhalan doona farriin caqli celin iyo midnimo ka ka tarjumeysaa".

August 05, 2020 - 10:56:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Madaxweyne Qoor-Qoor "Sharaf weyn ayay innoo tahay inaa kasoo qeyb galno shirkaan wadatashiga ah, shirkan innagaa leh waana sax inuu dhaco waana shir nabadeed, shirkaan waxaana leeyahay ha guuleysto horena haloo sii wado".
 

August 05, 2020 - 10:42:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Waxaa goordhaweed Mowlaca Macalin Nuur ka furmay shirka Muddulood oo maalintii saddexaad ka soconaya magaalada Muqdisho, waxaana Hoolka shirarka soo gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur.

August 05, 2020 - 8:05:00
Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Mudullood oo maalintii saddexaad ka socda Mowlaca Maclin Nuur ee Muqdisho, ayaa laga jeediyay khudbado looga hadlay arrimo kala duwan, oo ay kamid tahay siyaasadda cakiran ee xiligan ka jirta dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Keydmedia Online ayaa boggaan si toos ah (LIVE) idinkugu soo tabineyso Shirka.

August 04, 2020 - 6:30:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Nuxurka Khudbadihii Shirka Mudullood ee Maalinta labaad - 04.08

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Mudullood oo maalintii labaad ka socda Mowlaca Maclin Nuur ee Muqdisho, ayaa laga jeediyay khudbado looga hadlay arrimo kala duwan, oo ay kamid tahay siyaasadda cakiran ee xiligan ka jirta dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Madaxweyniyaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beesha ku metela labada Golle ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya, ayaa Shirweynaha wadatashiga ka qeybgalaya.

Malaaq Cali Malaaq Mohamed Weheliye, oo maanta furay shirka qeybtiisa labaad, ayaa sheegay in wada-tashiga iyo talada oo la wadaago ay tahay waxa Beesha hormar ku gaari karto.

Boqor Cabdullaahi Geeddi Shadoor ayaa isna ku sheegay khudbadiisa in Mudullood waxa ka maqan kaliya ay tahay midnimo la'aan, isagoo ugu baaqay isku duubni iyo aragti mideysan.

"Cudurka na hayo waa midnimo la'aan, haddii aan isku aragti noqonno wax waliba way iska hagaagayaan, waxaad ogaataan waxa naga maqan waa talo-wadaag, ee maal kale nagama maqna," ayuu yiri Boqor Shadoor.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay, kuna celceliyay in laga midoobo, Dhaqanka, Dhaqaalaha, Awoodda iyo Walaalnimada, isagoo xusay in intaas hadii la mideeyo ay Soomaali oo dhan hoggaamin karto.

“Mudulloodow sii aan isagu duubnaano waxaan u baahanahay in aan ka midowno Dhaqanka, Dhaqaalaha, Awoodda, intaas oo aan ku darno iskaashiga walaalnimo iyo inaan talada guud ka midowno waxay noo horseedaysaa in Soomaali aan hormuud u noqono markale isku keenisteeda," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa khudbadiisa ku sheegay in deegaannada Beesha ay degeensadeen waxuu ugu yeeray "cadow", ku ilmo dhalay, dadka ku noolna aysan Waxbarasho iyo Caafimaad heysan.

“War annaga xoolaheena iyo xoogeena in aan aragno alle hana tuso, deegaanadeena iyo dadkeena dadka waa ugu dambeeyaan, cadow ayaa heysta, wey ku ilmo dhaleen, wey ku qaan gaari rabaan, shacabkeena miyiga degan goobo waxbarasho malahan, caafimaad tayo fiican malahan, dhibkaas jira inaan hiigsi ka yeelano ayaan rabnaa," ayuu yiri Axmed Daaci.

Dr Caa'isha Cumar Kablow oo maqaamka Muqdisho ka hadashay ayaa sheegtay in muran la gelinayo, lagana meer-meerayo.

"Maqaamka Muqdisho meer meeris uma baahna, Magaaloyinka Rome iyo New York dad ayaa leh, mana lala sheegto, maxaa annaga Caasimadda muran joogta ah loo geliyaa? Muqdisho muran lama gelin karo, waana in deg-deg maqaamkeeda loo helaa," ayay tiri Caa'isho Kablow.

Nabaddoon Ibraahim Cumar Cosobow ayaa sheegay in Mudullood ay shanta Soomaaliyeed la degaan, hadane aysan ka muuqan, taasina ay tahay wada-taashi la'aan.

"Shanta Soomaaliyed ayaan degnaa, haddana kama dhex muuqanno, dhibka na haysta waa wadatashi la'aan ee Mudulloodow dantiinta ogaada oo Soomaali wax la qaybsada," ayuu yiri nanadoon Carabow.

Xildhibaan Farxiyo Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in natiijada shirkaan si weyn loo wada sugayo, waana in laga soo saaro qodobo caqabadaha jira looga gudbi karo.

"Waxaa nagala sugayaa natiijada shirkan kaso baxda, waxaan hoosta ka xariiqayaa dib u heshiisiinta wax weyn oo looga gudbi karo caqabadaha hadda jira, waxaana ku baaqayaa  iyada diiradda la saaro," ayuu hadalkiisa ku daray.

Shirkaan ayaa la filayaa in maalinta beriri ah lasoo gabagabeeyo, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo isku duubnida Beesha. 

KEYDMEDIA ONLINE 

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Mudullood oo maalintii saddexaad ka socda Mowlaca Maclin Nuur ee Muqdisho, ayaa laga jeediyay khudbado looga hadlay arrimo kala duwan, oo ay kamid tahay siyaasadda cakiran ee xiligan ka jirta dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Keydmedia Online ayaa boggaan si toos ah (LIVE) idinkugu soo tabineyso Shirka.

    Commenting is not available in this channel entry.