Shirka Garsoorka Dalka oo ka furmay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shirka Sanad-laha ah ee garsoorka Dalka, kaas oo sanad-kiiba mar la qabto, waxaana ka qeyb gelaya ha’adaha kala duwan ee garsoorka, madax iyo marti sharaf kale

Warar Keydmedia Online
Shirka Garsoorka Dalka oo ka furmay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ujeedooyinka Shirka ee sanadkaan ayaa lagu sheegay in ay tahay in diiradda saaro qodobo ay ka mid yihiin caqabadaha heysta garsoorka dalka, dhacdooyinki sanadkii tegay iyo sidii loo tayeyn lahaa  hay’aadddah garsoorka.

Dalka ayaa guud ahaan la daalaa dhacaya musuq-maasuqa, awwod ku tumasho xad-gudub ka dhan ah shacbaka, hay’adaha dowladda oo garsoorku ugu horreeyo ayaana ah halka ugu sarreysa ee wax is daba marintu ka dhcdo.

Kalsooni la’aanta uu shacabku ku qabo garsoorka dowladda ayaa sababta in xilliyada qaar ay qeyb ka mid ah dadweynuhu caddaalad ka raadsadaan maxakamadaha kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul-wasaaraha dalka Rooble ayaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda u magaacabay Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ka mid ahaa shaqsiyaadki sida tooska ah ugu lugta lahaa werarkii lagu laayay askartii dowladda ee 17 December 2017 lagu qaaday guriga Abdiraxman Abdishakur Warsame.

Cabduqaadir Maxamed wuxuu xilligaas ahaa Kusimaha Taliyaha Ha’yadda Nabad sugidda, Huteel Jaziira dhabarkiisa ayuuna ka hagayay weerarkas, miyuusan mudneyn in isaga caddaaladda la hor keeyo, loona maxakamadeeyo askartii dowladda ee uu laayay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.