Shirka Wadatashiga: Wax ka ogow qodobada la isku af-gartay ilaa hadda

Shir madaxeedka qaran ee looga hadlayo xal u raadinta muranka doorashoyinka ee aloosnaa ku dhawaad muddada sanadka ah, ayaa laga gaaray heshiisyo hor dhac ah, waxaana la isku af-gartay dhowr qodob.

Warar Keydmedia Online
Shirka Wadatashiga: Wax ka ogow qodobada la isku af-gartay ilaa hadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maalinkii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka, kaas oo ay ka qeyb galayaan guud ahaan Madaxda Maamullada dalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay ogaatay Keydmedia Online, Saddexdii maalin ee la soo dhaafay, wuxuu shir madaxeedku xalliyay inta badan tabashiiyinkii jiray, waxaa la isla meel dhigay dhowr qodob oo muran ka taagnaa, waxaana la qorsheeyay xilliga doorashada iyo waqtiga la soo gabagabeynayo shirka.

Sida ay xaqiijinayaan ilo loo qaateen ah, guud ahaan murankii ka taagnaa arrinta gobolka Gedo, ayaa la isku af-gartay in loo daayo, baaqii ay soo jeediyeen guddigii Farsamada ee ku shiray Magaaalada Baydhabo 16-kii Febaraayo , kaas oo dhigayay in labada dhinac doorashada wadajir u maamulaan, halka Jubbaland soo magacaabeyso maamulka Garbaharey, laga warqabayo, amnigana ay qeyb ka yihiin ciidamada booliska AMISOM.

Arrintii muranka xooggan ka taagnaa ee Guddiga Doorashooyinka Dadban, ayaa lagu heshiiyay in dib u eegis lagu sameeyo, xubnaha Khilaafku ka taagnaa, isla markaana Guddiga la waafajiyo, heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida ay fahansan tahay KON, Madaxda shirka fadhisa ayaa si adag kaga dooday xiiliga la soo gabgabeynayo, doorashada Labada Gole ee Baarlamaanka Dowladda Fadaraalka, waxaana la is barbar dhigay labo soo jeedin oo kala ahaa in Doorasahada Baarlamaanka lagu soo gababeeyo 120 cisho iyo in lagu so af-jaro 90 cisho, oo ka billaabaneyo maanta ay dhacdo xafladda saxiixa.

Arrintaan ayaa ugu danbeyn la isku raacay in Doorashada Xildhibaanadda lagu soo af-jaro 90 cisho, ayadoo laga fogaanayo in xildhibaanada qaar isku dayaan in ay kuraasta ka badalaan degaan doorashadiisa rasmiga ah.

Qodobka kale ee sida weyn loo faaqiday waa murranka ka dhex taagan labada garab ee Siyaasiyiinta Soomaaliland, waaxana kulan maanta dhex maray RW Rooble iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cadi Xaashi, uu ku soo dhamaaday is-fahan.

Shirka ayaa sii socon doona waxaana la filayaa in la soo gabagabeeyo dhamaadka todobaadkaan, markaa oo la smeyn doono xaflad weyn oo ay qeyb ka yihiin dhamaan saamileyda Siyaasadda, laguna saxiixi doono heshiiska doorashooyinka, si dalku ugu dareero doorasho la isla oggol yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.