Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Madaxweyne Farmaajo oo horay ugu baaqay shir ay isugu imaanayaan madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe, ayaa u muuqda inuu dib udhac ku yimid.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Sida uu ahaa qorshaha maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 01/Febaraayo/2021 waxaa lagu waday inuu shir uga furmo madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasoo looga arrinsanayo arrimaha cakiran ee la xiriira doorashooyinka dalka.
Shirkan oo uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid uu ku yimid dib udhac, ilaa iyo hadda ma jiraan wufuud ka socota dhinacyada ka qeyb galaya shirka oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug oo iyadu marti galineysa shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka kaasoo sida la filayo lagu dhammeyn doono caqabadaha hor yaal doorashada Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Galmudug ay u diyaar garowday qabashada shirka, sidoo kalena ay tahay magaalo amni oo la isku halleyn karo, wuxuu sheegay in aysan jirin marti ka qeyb galeysa shirka oo soo gaartay magaalada Dhuusamareeb oo u diyaara in ay marti galiso shirkii afaraad (Dhuusamareeb4)
Dib-u-dhaca ku imaanaya shirka ilaa iyo hadda laguma dhawaaqin, balse waxaa muuqata saan-saan, maadaama aysan jirin wufuud soo gaartay magaalada si ay uga qeyb galaan shirka, sidoo kale lama oga inta beri ee uu qaadan doono dib-u-dhaca.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments