Shirkii madaxda DF iyo DG oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

Shirkii u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, Dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir ayaa maalintii labaad kusoo dhammaaday natiijo la'aan!

Warar Keydmedia Online
Shirkii madaxda DF iyo DG oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxa maalintii labaad natiijo la’aan kusoo dhammaaday shirkii u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, sida ay noo xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah oo ka ag dhaw madaxda shirka ka qeyb galeysa.

Dhinacyada ayaa maanta dood adag ka yeeshay arrimaha ku saabsan ka qayb-galka iyo Ajandaha shir weynaha doorashooyinka dalka ee lagu wado inuu ka furmo Teendhada Afisiyooni, ma jiraan wax horumar ah laga gaaray dhammaan qodobadii laga doodayay labada maalin.

Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa ku doodaya in Midowga Murashixiinta laga qayb-geliyo shir weynaha looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, oo ay si toos ah miiska u fariistaan, halka dowlad goboleedyada kalena ay soo jeediyeen in Midowga Murashixiinta khudbado keliya laga siiyo, halka madaxweyne Farmaajo uuba kasoo horjeedo in laga tala-galiyo musharaxiinta kula loolameysa kursiga madaxtinimo ee Soomaaliya 2021

Waxaa dib la isugu soo laaban doonaa 6 -da bisha iyadoo maalinta berri ah la nasan doono, natiijada kulankan ayey horay uga hadashay KEYDMEDIA ONLINE waxayna sheegtay in laga yaabo inuu dheeraado shirka, natiijadana waxay horay usheegtay in aysan wanaagsanaan doonin maadaama dhinacyada is haya ee muranku u dhaxeeyo midkoodna uusan muujin wax tanaasul ah, isku soo dhawaashana aysan jirin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.