Shirkii teendhada Afisiyooni oo furmaya

Sida lagu shaaciyay goobo kala duwan, waxaa maalinta berri ah lagu wadaa inuu furmo shirkii teendhada Afisiyooni ee udhaxeeyay madaxda federaalka, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo gobolka Benaadir.

Warar Keydmedia Online
Shirkii teendhada Afisiyooni oo furmaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib cadaadis xoog badan oo ay beesha caalamku saartey Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo Dowlad goboleedyada ayaa lagu heshiiyey in maalinta sabtida ah la isugu imaado shir ay albaabadu u xiran yihiin, Beesha Caalamkuna ay qeyb ka tahay kaas oo ka dhacaya teendhada Afisyoone ee xayndaabka xerada Xalane.

Shirka ayaa yimid kaddib markii la ogolaaday soo jeedintii  madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland kaasoo ahaa intaan shirka la furin in laga heshiiyo Ajandaha iyo in beesha caalamku ay qeyb ka noqoto shirka kaas oo ugu danbeyn la aqbaley.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta ee Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in shir la isugu imaanayo Sabtida xarunta ciidanka cirka ee Afisiyooni, sidoo kale maamulka Puntland ayaa isna shaaciyay in sabtida uu furmi doono shirkii teendhada Afisiyooni ee looga hadlayay hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember 2021.

Keydmedia Online ayaa ogaatay in Dowladaha Ingiriiska iyo Norway, ay si xooggan u biritaaraya Safiirka Mareykanka iyo Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaana si cad loogu sheegay Hoggaamiyayaasha Maamullada in ay qasab tahay in Sabtiga la isla meel dhigo Ajandaha shir madaxeedka, si hore loogu sii socdo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 August 2021 18:19

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku gacan seyray dalab uu shalay u gudbiyay RW Rooble, wuxuuna soo bandhigay taalooyin xal looga gaari karo muran hareeyay kuraasta Soomaaliland.