Somalia warns severe drought could affect 8 million people
Shuruudaha waxaa ku jira mid ay ku adkaan doonto Musharaxiinta qaar, oo ah in uu helo soo jeedinta iyo saxiixa 20 Xildhibaan, oo Musharaxnimiisa cadeynaya.
MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga Isku-dhafka doorashadda, ayaa Maanta soo saarey shuruudo adag, oo lagu galayo tartanka Madaxweynaha, oo looga baahan yahay inay Musharixiinta buuxiyaan.
Waxaa shuruudaha ku jira kuwa adag, oo lacagta diiwaan-gelinta oo $40,000 [Afartan kun oo dollar], ay kamid tahay iyo inuu Musharax walba helo saxiixa 20 Xildhibaan oo xaqiijinaya Musharaxnimadiisa.
Sanadkan waxaa muuqata inuu tartanka adag yahay, oo laaluush bixinta aad u sareyso, iyadoo huteellada Muqdisho ka socoto kala iibsasho codadka Xildhibaanada oo qiimo badan maraya.
Waxaa jira Musharixiin jeeb-weyn oo ay kamid yihiin Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo Farmaajo, oo ah kuwa xilal soo qabtay, oo ka faa'ideystay inta xafiiska joogeen.
Akhriso Shuruudaha:
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments