Fahad Yaasiin oo la kulmay Sirdoonka Itoobiya iyo Eritrea

Keydmedia Online ayaa heshay macluumaad ku saabsan in Sirdoonada saddexda waddan ee kala ah Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya ay ku shireen magaalada Muqdisho maalintii Axadda. 

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo la kulmay Sirdoonka Itoobiya iyo Eritrea

MUQDISHO. Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxaa maalintii Axadda soo gaaray taliyaha militariga Ethiopia gaar ahaan qeybta Oromada iyo taliyaha Sirdonka wadanka Eritrea .

Laba diyaaradood oo ka kala yimid Asmara iyo Addis Ababa ayaa keenay labada taliye ee Sirdoonka labadaasi wadan. Labada taliye ayaa ku sugnaa Xarunta Hay'adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ee Habar Khadiija, iyagoo halkaa kula kulmaya agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

Safarka deg-degga ah ee labada mas'uul ayaa lagu sheegay in ay sababtay kadib xogihii ku saabsanaa geerida askar Soomaaliyeed oo Eratariya tababar loogu qaaday ay ka qeyb galeen dagaalkii TPLF -ta lagu qaaday taasoo ay baahiyeen warbaahinta waddanka Itoobiya iyo sidoo kale warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha Dalka.

Sidoo kale waxaa nasoo gaartay macluumaad sheegaya in Kunteenaro hub ah isuguna jira kuwa culus iyo kuwa fudud laga soo dajiyey magaaladda Muqdisho.

Hubkan waxaa dalka keenay sirdoonka labada dal Ethiopia iyo Eritrea oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho sida aan ku helay xogta hubkan waxaa loogu talagalay in la geeyo goobaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka si loo boobo, waxaana kamida gobolka lagu muransan yahay doorashadiisa ee Gedo, gobolka Hiiraan iyo magaalada Dhuusamareeb oo loollan xoog lihi ka jiro maadaama halkaasi uu ka jiro dhaqdhaqaaq lagu kala iibsanayo hubka yaala gudaha suuqyada hubka ee Galmudug.

Hubka ayaa sidoo kale qeyb kamida magaalaa Muqdisho ammaankeeda lagu sugi doona maadaama kooxo hubeysan oo is aruursaday ay sheegeen in dalka aysan ka dhici doonin doorasho lagu muransan yahay, waxa ayna soo bandhigeen cududda ciidamo lagu qiyaasay ku dhawaad kontameeyo iyo afar gaari oo nuuca dagaalka ah kuwaasoo duleedka magaalada muqdisho lagu soo bandhigay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.