Siyaasadda Indha la’aanta ah ee dowladdda Farmaajo

Warar Keydmedia Online

Siyaasadda indha la'aanta ah ee ay nagu hoggaaminayaan kooxda Farmaajo waxay nagu ridi doontaa god aysan Soomaaliya dib dambe uga soo bixi doonin haddaan gacmaha la qaban Farmaajo.

Siyaasadda Indha la’aanta ah ee dowladdda Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay ula saftay dowladda Eratariya oo dhul ay Jabuuti leedahay xoog kula wareegtay, wuxuuna kamid ahaa madaxdii Afrika ee soo jeedisay in Cuna-qabataynta Hubka ee Ereteriya saaran halaga qaado.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Nin meeshaad uga dhawaato nin kale ayaad uga tagtay"  maalinkii aan Eritrea la safanay ee madaxweyne Farmaajo gacal ka dhigtay ayaan Jabuuti cadaw ka dhiganay oo meel cidlo ah kaga dhaqaaqnay, waxaana illownay kaalintii iyo doorkii nabadeynta iyo dowladnimada Soomaaliya ee ay nagu lahayd Jabuuti.

Siyaasada arimaha dabada ee dowladda Farmaajo waxay kusii socotaa god mugdi ah, horay waxaa loo ceeriyay wasiirkii wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo si indha la'aan ah uga hadlay go'aankii dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa gobolkii Tigree -ga, waxa uuna xilkiisii ku waayay raalli-gelinta Abiy Axmed ee ahayd in Cawad meesha ka baxo mar haddii uu qoray go'aan dhex-dhexaadnimo oo ku aadan dagaalka gobolka Tigreega ay ku qaadday dowladda federaalka Itoobiya.

Dowladda Eratariya waligeed kaalmo kama geysan Soomaaliya, mana usoo gurman intii ay abaaraha iyo colaadaha is-biirsaday ay ka socdeen muddadii soddonka sano ahayd ee Soomaaliya daalaa-dhacaysay, xilligii burburka Soomaaliya waxay ka shaqayn jirtay oo taakuleyn jirtay kooxaha Argagixisada oo ay soo hubayn jirtay, markii isbahaysigii dib u xoreynta uu qaatay inuu qeyb ka noqdo wadahadalladii Jabuuti ka furmay, waxay soo ceerisay xubnihii ururkaasi iyadoo ka careysan heshiiska.

Dowladda Kenya waxay marti galisay in ku dhaw 1 Malyan oo Soomaali ah oo isugu jira qaxooti ku nool xeryaha waddanka kenya, ganacsato iyo qoysas uguuray caasimadda waddanka Kenya ayuu Farmaajo Cadaw ku sheegay, Itoobiya oo Cadaw soo jireen ah, dagaallona naga dhaxeeyeen ayey dowladda Farmaajo na walaaleysay, oo ay dooneysaa in aan qeyb ka noqono.

Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti waxaa cadaw nooga dhigi doona Farmaajo iyo kooxdiisa, waxayna wadaan qorshe ay ku sheegayaan in ay kaga baxayaan urur goboleedka IGAD

Haddii aan gacmaha la qaban madaxweyne Farmaajo wuxuu dadka Soomaaliyeed ku reebi doonaa ma-hadhooyin ka culus kuwii uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku reebay walaalkii Maxamed Siyaad Barre ee uu kaga daydo hoggaaminta Keli-talisnimada ah, haddana uu casharada iyo talooyinka kasoo min guuriyo Afawerki, madaxweynaha xoogga ku haysta Eratariya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.