Siyaasiyiinta Soomaaliya oo ka mideysan kiiska badda

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee hore xilalka uga soo qabtay Soomaaliya ayaa si isku mid ah uga hadlay dacwada badda saacadii u danbeeyay, waxa ayna garab istaageen guddiga soomaaliya ku matalaya dacwada.

Warar Keydmedia Online
Siyaasiyiinta Soomaaliya oo ka mideysan kiiska badda

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa isa soo taraya madaxda Soomaaliyeed ee ka hadlaya kiiska dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay, kaas oo hadda dhageysiga dacwadiisu ka socoto Maxakamadda ICJ.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif  Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Mxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, MW hore ee Galmudg, Cabdkariin Xuseen Guuleed, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed iyo madax kale ayaa dhamaantood si isku mid ah ugu hadlay kiiska badda .

Dhamaan Madaxdu, waxa ay rajeeyeen guul, waxa ay ku baaqeen in aan la siyaasadeyn kiiska badda, meelna la iska dhigo waxyaaba kale ee lagu kala aragtida duwan yahay.

Madaxdu waxay ay ku baaqeen in laga fogaado hadallo ka soo yeera Madaxda Soomaaliyeed inta dacwadu socoto oo Kenya marmarsiyo u noqon kara, waxa ayna ku taliyeen in gacmaha la is qabsado.

Madaxweynihii 7aad ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa bartiisa Twitter ku qoray in Maxkamadda Aaduunka laga qorayo "taariikh cusub". 

"Maanta oo dacwaddii badda ee u dhaxaysay Somaliya & Kenya ay ka bilaabatay Maxkamadda Adduunka waxaa qormaya taariikh cusub, oo u baahan Soomaali meel kasta oo ay joogto inay u midowdo. Waxaan bogaadinayaa wafdiga & Qareennada nagu matalaya dacwadda, waxaan rajaynayaa guul."

Ra'isul Wasaarihii hore ee dalka ahna Musharax ayaa ku baaqay in la taageero dacwadda "Waxaan rajeynayaa, aana ku kalsoonahay in dhegaheena ay mustaqbalka dhow maqli doonaan dhawaaq farax leh oo kasoo yeera Xeer-beegtida iyo Garsoorka Maxkamada cadaaladda Aduunka ee ICJ. Aan muujino midnimo, shacab iyo siyaasiyiinba."

Masuuliyiintaan waxa ay bogaadiyeen guddiga ay Dowladda Fadaraalka u xil saartay dacwada badda, waxayna u rajeeyeen in ay guul la soo laabtaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.