Maamulka Somaliland oo ka walaacsan doorashada dalka

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku wargelinayso Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan wadamada dunida in Somaliland tahay dowlad madax bannaan oo aan wax howl ah ku laheyn doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Somaliland oo ka walaacsan doorashada dalka

HARGEYSA, Soomaaliya- Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay doorashooyinka ka socda Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin, madaama dadka kasoo jeeda gobollada Waqooyi ay helaan qoondada kuraasta ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku wargelinayso Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan wadamada dunida in Somaliland tahay dowlad madax bannaan oo aan wax howl ah ku laheyn doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa digniin u dirtay xubnaha ku matalaya golayaasha dowladda, iyadoo ku tilmaamtay mid lagu marin habaabinaayo caalamka sida hadalka ay u dhigay.

Warsaxaafadeedkan kasoo baxay Somaliland ayaa imaanaya, xilli toddobaadka soo socda ay Muqdisho ka furmi doonaan  kuraasta ay ku leeyihiin Aqalka sare oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada Waqooyi.

Somaliland oo qeyb ka ah Soomaaliya ayaa iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaani sannadkii 1991, markaas oo ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka, kasoo baxay Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.