Somaliland oo lasoo baxday dar-dar xoog leh

Maamulka iskiis madax-bannaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland ayaa lasoo baxay dar-dar xoog leh, waxaana toddobaadkan gudihiis uu qaabilay wafdi heer caalami ah oo ka socday dal kamida dalalka Afrika

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo lasoo baxday dar-dar xoog leh

HARGEYSA, Soomaaliya - Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ee Somaliland ayaa toddobaadkan gudihiisa qaabilay wafdigii labaad oo heer caalami ah, maanta magaalada Hargeysa waxaa lagu soo dhaweeyay wafdi ka socda waddanka Koonfu Afrika ee uu hogaaminayay Mhlekwa Nxumalo oo ah mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga ANC ee haya talada dalkaasi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay la kulmayey mas’uuliyiin Afrikan ah, isaga oo horanta toddobaadkan qaabilay wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi, Eisenhower Mkaka oo socdaal ku tagay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale booqasho ku tagay waddanka Kenya laba toddobaad ka hor, waxa uuna la fariistay madaxweynaha dalka Kenya Uhuro Kinyata, waxaana la isla gartay heshiis ka koobnaa dhowr qodob oo ay kamid ahayd in laga furo magaalada Hargeysa Qunsuliyad ay leedahay dowladda Kenya.

Biixi ayaa tilmaamay in uu ku faraxsan yahay la kulanka madaxda ay is khilaafaan Farmaajo oo uu ugu yeeraan hoggaamiyaha Koonfurta, isagoo ula jeeda Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dal kasta ee cilaaqaadka Soomaaliya uu ku xumaado ay soo dhaweynayaan, si ay u helaan aqoonsi dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Fursadda ay helayaan madaxda maamulka iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaanida ee Somaliland waa mid uu ugogol xaaray madax weyni Farmaajo oo ku jira olole doorasho, waxaana toddobaadakan uu xiriirka u jaray waddanka Kenya kaasoo soo dhaweeyay maamulka ictiraaf raadinta ku jira ee Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.