Soomaali ku dhibanayd xadka Belarus iyo Lithuania oo la badbaadiyay

Dhallinyaraadan ayaa ka socdaalay dalka Turkiga, waxayna intoodana badan ku sii jeedeen dalka yar ee Austria, oo ay Soomaali badan sal-dhigatay sanadihii la soo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Soomaali ku dhibanayd xadka Belarus iyo Lithuania oo la badbaadiyay

MOSCOW, Russia - Sida ay sheegtay safaradda Soomaaliya dalka Ruushka, waxaa la soo badbaadiyay muhaajiniin Soomaali ah oo maalmihii la soo dhaafay ku dhibaateysanaa xadka dalalka Belarus iyo Lithuania.

Kadib markii dhawaan baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo, laga soo duubay dhallinyaro ku sugan xadka u dhaxeeya Belarus iyo Lithuania, kuna sii jeeda Poland, si ay ugu sii gudbaan Austria, ayay Safaaradda Dowladda Soomaaliya u istaagtay caawinta muwaadiniinta dhiban, sida uu sheegay Jibriil Xasan ka tirsan howl-wadeennada safaaradda.

Tahriibayaashaan la soo badbaadiyay ayaa ka kooban 17 qof, 11 ka mid ah ayaana ah haween, waxaana hadda dib loogu celiyay dalka Belarus, halkaas oo ay ku qaadanayaan nasiino, ka hor inta safaaraddu kala tashan masiirkooda.

Dhallinyaraadan ayaa ka socdaalay dalka Turkiga, waxayna intoodana badan ku sii jeedeen dalka yar ee Austria, oo ay Soomaali badan sal-dhigatay sanadihii la soo dhaafay.

KEYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.