Soomaaliya: 14 degmo oo laga barakacay

Fahataadaha Wabiga Shabeelle ayaa saameyn ba'an ku yeeshay dad aad u badan oo beeralay ah kuwaasoo ku noolaa degmooyinka wabiga uu maro.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya: 14 degmo oo laga barakacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda UN OCHA ayaa sheegtay in laga barakacay 14 degmo oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya kadib markii ay fahataado ku dhufteen sanadkan.

Waxay sheegtay OCHA in fatahaadaha ay ku barakaceen 101,300 oo qof, oo ku noolaa Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan nawaaxiga degmada Jowhar, oo 90-KM uga beegan dhanka waqooyi magaaladda Muqdisho.

Dhul beereed gaaraya 10-KM ayaa biyo fariistay, oo ku baaba'ay dalagii ku beernaa, iyadoo dadka beeralayda ah ay soo wajahday dhibaato bini'aadanimo iyagoo aysan haysan cunto, biyo nadiif ah iyo hoy.

Dad gaaraya 66,000 oo qof ayaa ku barakacay degmada Jowhar, ee xarunta Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo ka codsaday xukuumadda Rooble iyo hay'adaha samafalka inay gargaar degdeg ah soo gaarsiiyaan.

Tan iyo 2019 waxaa jiray fatahaado soo noq-noqday oo saameyn ku yeeshay dadka degan Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo wali ku jira xaalado khatar ah kadib markii cuduro kala duwan ka dilaaceen degaanada barakacayaasha ku sugan yihiin.

Hay'adaha gargaarka ayaan gaarsiin dadkan kaalmada ay u baahan yihiin, iyadoo aan dalka ka jirin dowladda xoog badan oo dadkeeda caawin karta marka musiibo dhaco.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.