Soomaaliya oo soo wajahday dhibaato cusub - Warbixin

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo soo wajahday dhibaato cusub - Warbixin

Tan iyo markii uu dhacay taliskii Siyaad Barre 1991, kaas oo ridistiia horseeday muddo dheer oo dagaallo sokeeye ah, Soomaaliya waxay gashay xaalad joogto ah oo cunto yari ah, iyadoo ay ku dhufteen laba macluul - sanadihii 1992 iyo 2011.

Sannad kasta, inta u dhexeysa April iyo March (marka dalaga la beeray oo aan lasoo goynin), hay'adaha gargaarka waxay sameeyaan saadaalin ba'an oo ku saabsan musiibo soo socota, waxayna codsadaan lacag lagu taageerayo shacabka, oo la siinayo gargaarka cuntada.

Sannadkan, Save the Children ayaa ku dhawaaqday in malaayiin Soomaali ah aysan heli doonin cunno ku filan, maadaama wax soo saarka dalagyada iyo khudradda la filayo inuu hoos u dhaco 75% illaa 80%.

Khabiiro dhanka beeraha ah kana shaqeynayay Soomaaliya 35-kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa sheegay in wax soo saarka dalagga Beeraha hoos u dhacooda sabab u yihiin Colaadaha ka socda gobollada Shabeellooyinka iyo Anyaxa oo baab'iyay waxay dadku beerteen, iyadoo sidoo kale fatahaadaha ay qeyb ka yihiin waxyaabaha keenay cunto yarida.

Moordida iyo Galleydu waa dalagyada ugu badan ee ka baxa Soomaaliya taariikh ahaanna, labadan dalag waxay yihiin cuntada sida aadka looga isticmaalo Soomaaliya. Waxay ka baxaan dhulka ay maraan Webiyada iyo kuwa Roobka ku tiirsan, oo Moordida lagu beero.

Sida ay Khubaradda aaminsan yihiin, wax-soosaarka dalagga ee Soomaalidu ma kordhin 60kii sano ee la soo dhaafay. Xaqiiqdii, laga soo bilaabo 1972 ilaa 2012 wax-soosaarka wuxuu hoos u dhacay 66%.

Cunto yaraanta sidoo kale waxaa sababi kara Cimilada, sida daadadka ama abaaraha. Dhacdooyinka abaaraha ee la arkay sannadihii la soo dhaafay ayaa keenay in dad badan oo beeralay ah inay barakaciyaal ku noqday duleedka Muqdisho tan iyo 2011, iyagoo ku tiirsan hay'adaha gargaarka waxay siiyaan.

Roobabka oo xadidan ayaa saameyn xun ku yeelan kara wax-soosaarka haruurka/moordida. Sannadihii ugu dambeeyay soo noqnoqoshada abaaruhu waa saddexdii sanaba mar.

Daadadku waxay saameyn xun ku yeelan karaan wax-soosaarka galleyda waraabka ah. In kastoo ay ka kooban tahay gudaha, haddana dalka waxaa ka socda daadad labadii illaa saddexdii sanaba mar dhaca.

Sababtoo ah wabiyada Shabeelle iyo Jubba waxay asal ahaan ka yimaadaan dhulka roobabka badan ee Itoobiya, roobabka halkaas ka da'a waxay sababi karaan daadad ka sameeyaan Soomaaliya.

Sababta kale ee ugu weyn ee cunno yarida dalka ka jirta ayaa wali ah Colaadaha, Musuq-maasuqa iyo Maamul xumo dhanka dhanka dowladda oo aan dejin shuruuc gaar ah oo la xiriira Beeraha, oo ku tiirsan dhaqaalaha dalka.

Dagaallada ayaa sidoo kale sababay barakaca dad badan oo beeraley ah - waxaa jira ku dhowaad 2.6 milyan oo ku barakacay gudaha Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, Canshuurta sharci-darrada ah ee beeralayda siiyaan Al-Shabaab iyo dowladda, taasoo niyad-jibisay.

Soomaaliya waxay leedahay laba xilli oo la beerta beeraha sannad kasta, kuwaasoo kala ah Gu'ga oo billowda April illaa March iyo Deyrta oo ka waqti kaaban, oo socota Oktober illaa November.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.