Suldaan Naaleeye “Barre Hiiraale waa la qalday” {Dhageyso}

Kismayo (KON) - Suldaan Xasan Xuseen Naaleeye oo ka mid ah Odayaasha ka soo jeeda Magaalada Kismaayo islamarkaana ay isku garab ahaayeen Barre Hiiraale ayaa ka hadlay Heshiiskii Axmed Madoobe iyo Hiiraale.
Warar Keydmedia Online
Suldaan Naaleeye “Barre Hiiraale waa la qalday” {Dhageyso}

Naaleeye ayaa sheegay in Barre Hiirale Heshiiskaan lagu qasbay oo Dowladda Soomaaliya ay ku Cadaadisay in uu qasab ula heshiiyo Dagaal Ooge Axmed Madoobe.

“Barre Heshiiska waa lagu qasbay, horey waxaa ugu yimid C/wali Sh Axmed Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ugu Hanjabay in uu Heshiiska qaato hadii kale Tilaabo laga qaadayo, hada waxaa soo xareeyay Wasiirro oo sidaa sila mid ah ula Dhaqmay Cornel Barre” Ayuu yiri Naaleeye.

Suldaan Naaleeye ayaa sheegay in Heshiiska Barre iyo Axmed Madoobe uusan aheyn mid ka tarjumaya Heshiis Nabadeed oo uu yahay Gardaduub Barre Hiiraale lagu sameeyey.

Barre Hiiraale iyo Ciidamadiisii ayaa Magaalada Kismaayo Shalay galay, kadib intii uusan Magaalada Muqdisho imaan, waxaana Barre oo hadlay uu sheegay in la xiray Buugii Colaada oo la furay kii Nabada.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho