Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Swan ayaa u sheegay Gollaha Amaanka in Soomaaliya ay mareyso meel xasaasi ah, islamarkaana uu taagan yahay khilaaf adag oo ku saabsan doorashadda oo Farmaajo caqabad ku noqday in la qabto watigeeda.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga QM James Swan ayaa Maanta warbixin ku saabsan Xaaladda Soomaaliya u siiyay Gollaha Amaanka, oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda dalka.
Swan ayaa u sheegay Gollaha Amaanka in Soomaaliya ay mareyso meel xasaasi ah, islamarkaana uu taagan yahay khilaaf adag oo ku saabsan doorashadda oo Farmaajo caqabad ku noqday in la qabto watigeeda.
Ergayga QM ayaa sheegay in khilaafka iyo xiisadda siyaasadeed ee sii kordhaya ay halis gelinayaan dedaallada dib u dhiska Soomaaliya iyo soo celinta amniga oo ay ka qeyb-qaadanayaan dowlado badan.
Mar uu ka hadlay doorashadda, wuxuu Swan sheegay in aan la aqbali doonin hanaan is dhinac socda, go'aanno iska soo hojeeda iyo dib ugu noqosho heshiiskii Sep 17, isagoo ku baaqay in horey loo sii socdo, lana qabto wadahadal.
Gollaha Amaanka ayaa lagu wadaa inay qoraal kasoo saaraan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashadda oo la isku mari la'yahay wali, iyadoo dhinacyada ay sii kala fogaanayaan marba marka kasii dambeysa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments