Taageerihii Farmaajo oo lagu af-duubtay Nairobi

Waxaa maalmihii la soo dhaafay si weyn ugu soo badanayay dalka Kenya Af-duubka dadka shacabka ah, dhawaan ayayna ahayd markii magaalada Nayroobi lagu qafaashay gabdho Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Taageerihii Farmaajo oo lagu af-duubtay Nairobi

NAIROBI, Kenya - Qoyska Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaalida Kenya ee caanka ah, oo la sheegay in lagu waayay Nairobi Arbacadii, ayaa dalbanaya jawaabo ku saabsan kiiskiisa, ka dib markii koox aan la aqoonsan ay ku af-duunteen magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Wararku waxay tilmaamayaan in afar nin oo aan la garanayn ay ka af -duubteen agagaarka (Waddada Turbman) isagoo ku guda jira hawlihiisa ganacsi.

Xaaska Abdisamad Xaliimo Maxamed, ayaa sheegatay in seygeedu uusan lahayn wax danbi ah, iyada oo raacisay in aysan fahmin waxa keenay in la afduubto.

Agaasimaha Fulinta ee Machadka Daraasaadka Istaraatijiyadda Geeska Afrika, Cabdisamad, wuxuu si weyn u taageeraa Farmaajo, wuxuuna dhawaan bartiisa Twitterka ku qoray, hadallo, si weyn looga carooday kadib markii uu isku dayay inuu kiiska Ikraan Tahliil, la xariiriyo dalalka Ingiriiska iyo Imaaraatka (UK & UAE), isagoo marin-habaabinaya kiiska isla-markaana ka leexinayay Fahad iyo Farmaaajo.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay si weyn ugu soo badanayay dalka Kenya Af-duubka dadka shacabka ah, dhawaan ayayna ahayd markii magaalada Nayroobi lagu qafaashay gabdho Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.