Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Benaadir Saadaq John ayaa si buuxda u caddeeyay inuu is hor taagay fadhigii maanta ee Golaha Shacabka BJFS ay ku lahaayeen xarunta Villa Hargeysa

Warar Keydmedia Online
Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka

UPDATE: Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Benaadir Saadaq John ayaa laga qaaday xilkii kaddib markii uu shaaciyay in uu is hor taagay fadhigii Golaha Shacabka BJFS ee maanta

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Benaadir Saadaq John ayaa si buuxda u caddeeyay inuu is hor taagay fadhigii maanta ee Golaha Shacabka BJFS ay ku lahaayeen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Taliye Saadaq oo kasoo hor muuqday warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay xaaladda dalka, waxa uuna caddeeyay in uusan raalli ka noqon karin in maanta dib loogu laabto xaalad adag oo colaadeed, waxa uu farriin u diray Guddoonka Golaha Shacabka ee ku mashquulsan inuu sameysto muddo kororsi, waxa uuna ku yiri "Doorasho ayaad ku imaateene haku fakarina in aad muddo kororsi sameysaan, aada deegaan doorashadiinii oo doorasho gala!"

Saadaq John oo ah taliyihii fuliyay weerarkii hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur islamarkaana lagu xaman jiray inuu fuliyo awaamiirta madaxweyne Farmaajo, laguna tirin jiray saraakiisha daacadda u ah Farmaajo ayaa qaatay go'aan aan laga filaneyn, waxa uuna bixiyay amar ah in la baajiyo kulanka muddo kororsiga ah!

Farriin toos ah ayuu u diray Ra'iisul Wasaaraha waqtigiisu dhammaaday ee Rooble, waxa uuna u sheegay inuu fadhiga ka kaco oo uu dib u billaabo wada-hadalladii Teendhada Afisiyooni.

Sidaas si lamid ahna wuxuu ula hadlay Wasiir Dubbe waxa uuna yiri "Wasiiroow waxaan ku leeyahay dadkaaga dhinac ka raac, waxdambe oo lagu soo dhiibay ha akhriyin. Waxaad akhridaa wixii dalka dani ugu jirto"

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 August 2021 18:19

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku gacan seyray dalab uu shalay u gudbiyay RW Rooble, wuxuuna soo bandhigay taalooyin xal looga gaari karo muran hareeyay kuraasta Soomaaliland.