Tababarihii kooxda Inter oo shaqada laga eryay

Sports(keydmedia) Macalinkii Naadiga Inter Milan ee xili ciyaareedyadii la soo dhaafay Rafa Benitez's ayaa laga joojiyay qandaraaskii uu kula joogay naadigaasi.
Warar Keydmedia Online
Tababarihii kooxda Inter oo shaqada laga eryay

Hadal qoraal ah oo ay soo saareen madaxda Naadiga Inter ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba uu macsalaameeyay naadigaasi macalin Rafo, waxaana sababta lagu sheegay guul darooyin soo laa laabtay oo uu la kulmay naadiga.

Shaqa ka tagista macalin Rafo iyo wakiilkiisa ayaa isku waafaqay in naadiga uu isaga tago macalinka si loo xaliyo muran daba dheeraaday oo u dhaxeeyay dhawaantanba macalinka iyo maamulka Naadiga.

Macalinka ayaa naadigan la joogay mudo 6 bilood ah, waxaana uu mudadaasi u kasbay hanashada laba koob kuwaasoo kala ah Super Cup-ka Taliyaaniga iyo koobka kooxaha Aduunka ee Fifa, waxaana maadaama laga joojiyay qandaraaska macalinka la qoondeynayaa in la siiyo magdhaw lacageed.

Inkastoo saadaalo kale duwan ay ka soo baxayaan shaqsiyaadka la tuhmayo in macalinimada naadiga waxaana hadal heynta iminka ay u badantahay Maradoona.

Www.keydmedia.net