Tacsi: Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

Nairobi (Keydmedia) - Waxaa Caawa Isbitaalka Soomaali Sudanees ee Magaalada Muqdisho ku Geeriyootay Xaajiyo Xaliimo Saciid Xassan Barre.

Warar Keydmedia Online
Tacsi: Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta waxaa tacsi u diriya bahda Shaqaalaha Keydmedia, maadaama Marxuumada ay walaalo ahaayeen Agaasimaha guud ahna aas-aasaha Warbaahinta Keydmedia Online, Cali Saciid Xasan.

Waxaan kaloo u tacsiyeneynaa awlaadii ay Marxuumada ifka aduunka uga tagtay oo kala ah Shiikh Cabdullahi Diiriye Axmed Sahal, Axmed Diiriye Axmed Sahal iyo dhamaan reer Diiriye Axmed Sahal. Sidoo kale waxaan u tacsiyeneynaa Cabdullahi Saciid Xasan, Xussein Saciid Xasan, Cabdirixmaan Saciid Xasan, Caasho Saciid Xasan, Aamino Saciid Xasan iyo dhamaan reer Saciid Xasan Barre iyo reer Xasan Barre meel kasta oo ay adddunka ka joogaan. 

Bahda Saxaafada oo tacsidaan direysa waxey dhamaantood ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin geerida Marxuumada walow qadarta alle ay tahay mid lagama gudbaan ah, waxaana leenahay alle ha idinka ajarsiiyo dareenka aad la wadaagteen dhamaan Ehalada ay ka geeriyootay Xaajiyo Xaliimo Saciid Xassan Barre.

Cududaar: Waxaa suurta gal noo noqon weysay in dhamaan shaqsiyaadka tacsida loo dirayo iyo kuwa diraya magacyadooda la wada daabaco.

Wakiilka Xafiiska Keydmedia Online ee Nairobi

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.