TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun, waxaa Magaalada Melbourne ee dalka Australia Saakay ku geeriyooday Suldaan Muxiyadiin Xasan Cilmi Fagaas. 

Warar Keydmedia Online
TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Suldaan Muxiyadiin wuxuu ahaa 86 Jir, wuxuu ka tagay 12 Caruur iyo Xaas, wuxuuna ahaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida iyo Muslimiinta ee Magaaladda Melbourne. 

Illahey ha u naxariiste, Marxuumka wuxuu ahaa mu'adimaha Masjidka wayn ee Magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Marxuum Muxiyadiin Xasan Cilmi Fagaas waxaa lagu xasuustaa, in uu ahaa dulmi diid u gargaara kuwa tabarta daran oo dadka u siman. 

Warbaahinta Keydmedia Online Shaqaalaheeda ku kala sugan Dunida Daafaheeda ayaa waxay Tacsi tiiraanya leh Hawada u marinayaan Eheladii iyo Asxaabtii uu ka Geeriyooday Muxiyadiin Xasan Cilmi Fagaas. 

Marxuum Muxiyadiin Xasan Cilmi Fagaas wuxuu ahaa Nin illahay Jecel, dadkiisuna jecelyihiin. Illahay ah u Dambi dhaafo oo Janatu Fardowsa ha ka Warabiyo. Amiin. Amiin.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.