Taliyihii Milatariga Baardheere oo geeriyooday

Taliyihii ciidamada milatariga ee degmada Baardheere ayaa geeriyooday, kaddib markii kooxda Al-Shabaab iyo ciidamao uu hoggaaminayo taliyaha ay ku dagaallameen Baardheere

Warar Keydmedia Online
Taliyihii Milatariga Baardheere oo geeriyooday

BAARDHEERE, Soomaaliya - Taliyihii Ururka qeybta 43 -aad Guutada 10 -aad, Ururka 49 -aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Baardheere Taliye Maxamed Dheere  ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray miino dhulka loogu aasay oo ku qaraxday gawaari uu dadka saarnaa kamid ahaa taliyaha Maalin kahor.

Kooxda mintidiinta ah ee Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku bar-tilmaameedsanyaan ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale waxaa iyana bar-bar socday weerarada duqeymaha ah oo ay ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ay ka wadaan Soomaaliya kuwaasoo lagu baacsanayo saraakiisha sar sare ee kooxda Al-Shabaab.

Labada dhinac ayaa xoojiyay weerarrooda, waxaana u dambeeyay weerarkii shalay ka dhacay degmada Baardheere ee dhaawaca loogu geystay taliyihii ciidamada Milatariga ee degmada Baardheere kaasoo daqiiqado kahor u geeriyooday dhaawacaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.