Taliyaha Booliska oo gaarey Baydhabo

Booliska Soomaaliya ayaa la filayaa inuu la wareego mas'uuliyadda amniga goobaha doorashooyinka sanadkan soo socda, sidaas darteed wuxuu billaabay qiimeyn gobollada lagu sameynayo.

Warar Keydmedia Online
Taliyaha Booliska oo gaarey Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa Maanta magaaladda Baydhabo, ee xarunta KMG Koonfur Galbeed gaarey wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), iyagoo halkaasi u tagay qiimaynta amniga deegaanada Maamulkaas iyo baahiyaha Booliska.

Taliye Xijaar ayaa xusay in ay qorshaynayaan booqashada dhawr degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed, oo ugu kuurgali doonaan xaaladda nabad-geyladda iyo sidii loo sii adkeyn lahaa, maadaama Booliska lagu wareejin doono goobaha doorashooyinka sanadka soo socda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.