Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka raalli galeeyay Xasan Sheekh weerarkii galabta

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa raalli gelin ka bixiyay rasaastii la huwiyay gawaaridii galbineysay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka raalli galeeyay Xasan Sheekh weerarkii galabta

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa raalli gelin ka bixiyey rasaastii ciidan ka tirsan kuwa Asluubta ay huwiyeen gawaaridii galbineysay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

"Ma ahayn wax loogu talagalay rasaastii galabtay lagu furay gawaaridii la socotay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud" ayuu yiri taliye Mahad.

Waxa uu marnaba meesha ka saaray in si kutalagal ah loo riday rasaastii, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kasoo dagay gaarigiisa si uu labada dhinac uga dhaadhiciyo in rasaasta la joijiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.