Taliyaha qeybta 21-aad ee CXD oo gaaray Baladweyne

Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay

Warar Keydmedia Online
Taliyaha qeybta 21-aad ee CXD oo gaaray Baladweyne

BALADWEYNE, Soomaaliya - Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamed Cadoow Cali (Sanka) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baladweyne, iyadoo halkaasina ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha Taliska Qaybta 27-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliya .

Talisyada Qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si joogta ah isaga kaashada Howlgallada la-dagaallanka Argagaxisada iyo nabad gelyada deegaanka, waxaana safarkan uu qeyb ka yahay dadaalada lagu xoojinayo howlihii horay u socday ee Nabad geliyada gobolka oo dhan.

Saraakiisha kawada tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa inta badan xiriirkoodu uu yahay mid toos ah, waxayna iska saacidaan la daggllanka Argagaxisada, inkastoo deegaanada labada ciidan ay ka kala tirsan yihiin ee Galmudug iyo Hirshabeelle ay horay uga dhaceen falal la xiriira dagaal beeleedyo, iyo af-duubka dad shacab ah oo waddada laga qafaashay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.