Taliye Xijaar oo xil ka qaadis ku sameeyay Saadaq John

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Benaadir Saadaq John ayaa laga qaaday xilkii kaddib markii uu shaaciyay in uu is hor taagay fadhigii Golaha Shacabka BJFS ee maanta

Warar Keydmedia Online
Taliye Xijaar oo xil ka qaadis ku sameeyay Saadaq John

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu faafiyay war ku saabsan xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Benaadir Saadaq Cumar Xasan Saadaq John oo saacad kahor shaaciyay in uu si buuxda u hor istaagay fadhigii maanta ee Golaha Shacabka BJFS kaasoo uu ku sheegay in muddo kororsi lagu sameyn lahaa.

Xil ka qaadista ayaa sidan u qoran:

"Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa hadda xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John). Waxaana xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejads Gaashaanle Sare"

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].