Taliye Shub oo gabbood-falkiisii kula gambanaya Golaha Shacabka

Soddogga, Madaxweynaha Koofur galbeed, Taliye Shub, ayaa doonay inuu eedaha jariimooyinkii uu geystay afartii sano ee la soo dhaafay uu uga gambado Baarlamaanka 11-aad.

Warar Keydmedia Online
Taliye Shub oo gabbood-falkiisii kula gambanaya Golaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo ka mid ah shaqsiyaadka Farmaajo aawgii dhiigga u daadiyay afartii sano ee la soo dhaafay, ayaa u soo istaagay ka mid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee JFS, gaar ahaan Golaha Shacabka.

Sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah, Mahad Cabdiraxmaan, oo loo yaqaan taliye Shub, ayaa doonaya inuu eedaha gabbood-falladii iyo xasuuqii shacabka uu ka geystay Baydhabo, intii lagu guda jiray doorashadii boobka ahayd ee uu ku soo baxay Lafta-gareen, uu uga dhuunto Golaha Shacabka oo ah madal xasaanad sareysa leh.

Dad ku dhow, Gen. Mahad, waxa ay sheegeen, in Farmaajo uu doonayo inuu taliye Shub, ku daro baratamayaasha Af-hayeenka Baarlamaaanka (Guddoomiyaha Golaha), taas oo muuqata mid aan suura-gal ahayn.

Labo ka mid ah xubnaha ku soo baxay kuraasta Aalka Sare ee maamulka Koofur galbeed, waxaa soddog u ah Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, oo sidoo kale aabe u ah xaaska Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dadka jariimooyinka waaweyn geystay afartii sano ee Farmaajo talinayay, ee doonaya in ay sanadkaan Baarlamaanka galaan, kaliya kuma koobna, Taliyaha Ciidanka Asluubta, ee sidoo kale, waxaa la filayaa in Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin, Taliyaha Booliska Xijaar, iyo kuwo kale oo eedeysaneyaal ah ay raadsadaan kuraasta golaha shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.