Taliyeyaal Ciidan iyo Askar loo xiray dilkii Dhagajuun

Wasiiru dowalaha ayaa sheegay in dadka xiran su'aallo la waydiinayo, islamarkaana Maxkamd la horkeeni doono maalmaha soo socda.

Warar Keydmedia Online
Taliyeyaal Ciidan iyo Askar loo xiray dilkii Dhagajuun

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in dhowr qof loo xiray dilkii xalay gudoomiyihii degmada Hodon C/xakiin Dhagajuun loogu geystay magaaladda Muqdisho.

Farxaan Cali Axmed, oo ah Wasiiru dowlaha Amniga DF ayaa sheegay in dadka loo xiray falkan ay ku jiraan taliyeyaasha booliska Hodon iyo Howlwadaag, kuwaasoo loo maleynayo inay wax ka ogaayeen dilka.

Dhagajuun ayaa rasaas lagu furay Gaari uu saarnaa xili saqdii dhexe xalay isagoo marayay wadada Aadan Cadde iyo Isgoyska Howlwadaah u dhaxaysa, taasoo uu ku dhintay islamarkiiba.

Saacado kahor ayuu kasoo laabtay Turkiga oo dhaawac kasoo gaarey qarax lala eegtay November 2020 looga soo daaweeyay kahor inta xalay lagu dilay Caasimadda, isagoo ku baxay gacanta dowladdii uu u shaqeynayay.

Inta la ogyahay mas'uuliyiintii gobolka Banaadir ee la dilay oo uu ku jiro Eng Yariisow ma jirto qof maxkamad loo soo taagey, waxaana kiiskooda lagu xiraa isla marka la aaso. Waxaa jira tuhunno badan oo ku saabsan in dilalka ay yihiin kuwa siyaasadeysan.

Banaanbax looga soo horjeedo dilka Dhagajuun ayaa Maanta ka dhacay Caasimadda, iyadoo loogu baaqey dowladda inay si deg deg ah Cadaaladda kahor keento kuwii falkan argagaxa leh ka dambeeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.