Is-badal lagu sameeyay Booliska gobolka Benaadir

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray wareegto isku shaandheyn loogu sameynayo taliyayaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Benaadir.

Warar Keydmedia Online
Is-badal lagu sameeyay Booliska gobolka Benaadir

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamida taliyayaasha saldhigyada dagmooyinka gobolka Benaadir ayaa isku shaandheyn lagu sameeyay, iyadoo lagu guda jiro xilli kala guur ah oo dalku doorasho gali rabo.

Isbadalka ayaa yimid iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo shir looga tashanayo arrimaha doorashooyinka dalka, haddaba halkan ka akhriso magacyada taliyayaasha cusub ee loo magacaabay saldhigyada degmooyinka gobolka Benaadir:

  1. Macalin Aadan ayaa loo magacaabay taliyaha Saldhiga booliska degmada Dharkenley.
  2. Axmed Bootaan ayaa isna loo magacaabay taliyaha Saldhiga booliska degmada Wadajir.
  3. Ismaaciil Siciid Jaamac ayaa loo magacaabay taliyaha Saldhiga booliska degmada Waaberi.
  4. Xasan Cabdulle Bashiir ayaa loo magacaabay taliyaha Saldhiga booliska degmada Cabdicasiis.
  5. Yaxye Casuuro ayaa isna loo magacaabay  taliyaha Saldhiga booliska degmada Dayniile.
  6. Zakeriye Cabdullahi ayaa isna loo magacaabay taiyaha Saldhiga booliska degmada Hodan.
  7. Farxaan Maxamed ayaa sidoo kale loo magacaabay taliyaha Saldhigga booliska degmada Bondheere.
  8. Abuukar Sheekh Aadan ayaa isna loo magacaabay Taliye ku xigeenka saldhigga booliska degmada Kaxda.
  9. Cumar Axmed ayaa isna loo magacaabay Taliye ku xigeenka saldhigga degmada Bondheere.

Magacaabista taliyayaasha cusub oo qaar kamida laga soo wareejiyay saldhigyo hore ayaa imaanaysa xilli loo diyaar garoobayo doorasho, iyadoo inta badan xilliyadan oo kale magacaabista iyo xil ka qaadista laamaha ammaanka ay keeno shaki weyn iyo isku day ka dhan ah nidaamka dowladnimo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa saxiixay wareegto uu ku tilmaamayo awoodda madaxweynaha iyo xilliga kala guuurka isagoo sheegay in aan magacaabis iyo xil ka qaadis midna uusan sameyn karin madaxweynuhu, inkastoo magacaabistan uu sameeyay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

KEYDMEIDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.