Tani waa farriin muujineysa in Farmaajo quustay

Farmaajo, wuxuu hore u soo dhigtay is-baarooyin siyaasadeed, si aysan dalka doorasho uga dhicin, waxaase muuqata in midda maanta tahay middii ugu danbeysay, maadaama aysan jirin awood ciidan iyo sharci oo si guud uu hor istaagi karo qabsoomidda doorashada.

News Keydmedia Online
Tani waa farriin muujineysa in Farmaajo quustay

MUQDISHO, Soomaaliya – Inta badan Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa ka maqan teendhada Afisyooni, kadib markii ay la kulmeen jid-gooyooyin ciidan, kuwaas oo Farmaajo ku daadiyay waddooyinka galaya xeydaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dadka falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya, ayaa tallaabada maanta Farmaajo, qaaday, ku tilmaamay in ay tahay muujinta in uusan musharrax ahayn iyo in ay u caddaatay in aysan jirin cid dooraneysa, sidaas owgeedna uu go’aansaday falkinta fowdo joogto ah.

Ciidan ay hoggaaminayaan saraakiil boolis ah oo ka amar qaata Madaxweynihii hore Farmaajo, ayaa ku sugan inta badan waddooyinka marinka u ah teendhada Afisyooni, waxaana saraakiishas ugu horreeya Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Qaroole.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Xildhibaaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad), oo ku sugan gudaha Teendhada loo qorsheeyay in doorashadu ka dhacdo ayaa Xildhibaannada aan wali goobta tagin ugu baaqay in ay xaroodaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa dhankiisa ku boorriyay Xildhibaannada in ay yimaadaan hoolka doorashada, wuxuuna xusay in Xildhibaannadu af-furka ku leeyihiin, goobta doorashadda.

Farmaajo, wuxuu hore u soo dhigtay is-baarooyin siyaasadeed, si aysan dalka doorasho uga dhicin, waxaase muuqata in midda maanta tahay middii ugu danbeysay, maadaama aysan jirin awood ciidan iyo sharci uu si guud ugu hor istaagi karo qabsoomidda doorashada.

Dhaqanka Saraakiisha Ciidanka Booliska, oo uu ugu horreeyo Xijaar oo xalay xilka laga raacdeeyay, waxa ay ka marqaati kacaysaa in uusan jirin amni doorasho oo la isku hallayn karo, mana cadda tallaabada uu RW Rooble, ka qaadi doono Saraakiissha maanta fowdada sameysay.

Musharixiinta Xilka Madaxweynaha, gaar ahaam Midowga Musharixiinta ayaa, la filayaa in soo saaraan baaq ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo Guddiga Amniga Doorashada, maadaama Xijaar oo ugu sarreeyay ku milmay siyaasadda lagana qaaday xilkii uu hayay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.