Farqiga u dhaxeeya Madaxda Waqooyi & Koonfur

Farqiga u dhaxeeya madaxda ka soo jeedda gobollada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed waa mid lagu ogaan karo sanadkan 2021 halka ay kala joogaan labada magaalo iyo madaxda ku dhaqan.

Warar Keydmedia Online
Farqiga u dhaxeeya Madaxda Waqooyi & Koonfur

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport kusii sagootiyey madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Axmed Maxamed Siilaanyo oo dalka dibaddiisa u dhoofey.

Madaxweynaha JFS Maxamed Farmaajo ayaa bixiyay amar lagu weeraray hotel ay dagganaayeen madaxweynayaashii xilka uga horreeyay iyo guddoomiyihii baarlamanka Soomaaliya, 19 Febaraayo ayuu dhacay weerarkaasi waxaana ku dhintay saddex askari oo ahaa kuwii fulinayay howlgalka iyo askari kamid ahaa ilaalada madaxweynayaashii la weeraray ee naftooda halista la galiyay.

"Madaxda reer Waqooyi waxay isku tixgaliyaan xilalka sida ay ukala soo horreeyaan, halka kuwa Koonfureedna ay isku tuntaan. Waana farqiga udhaxeeya madaxda labada dhinac oo la aaminsan yahay iney kala duwan yihiin mar walbiba." Halka madaxda reer Koonfureedna ay isku cadaadiyaan sidii ay xilka ugu kala dambeeyeen, Farmaajo ayaana furay waddo cusub oo lagu weerarayo madaxdii isaga ka horreysay, waxa uuna u diyaar garoobayaa inuu dalka isaga baxo markii uu dhammaado muddo xileedkiisa sababtoo ah isna waa la weerari doonaa, si sharaf lehna inuusan ujoogi doonin magaalada ayuu kasii dharagsan yahay.

Tusaale cad oo wanaagsan ayey u tahay Farmaajo iyo siyaasiyiinta la safan sida loo tixgaliyo madaxdii xilka uga soo horreysay, waxaa kale oo u wanaagsan inuu yareeyo hadallada xanafta leh ee uu usoo dhiibayo dad mas'uuliyiin ah oo xilal wasaaradeed ka haya xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, kuwaasoo lagu Af-lagaadeenayo madaxdii qaranka soo maamushay, dhaqankaaisna waa mid aan ku wanaagsaneen hannaanka Dowladnimada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.