Tarsan: Hey’adaha ka soo daga garoonka shabaab uma tagi karaan

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Max'ud Tarsan ayaa sheegay in aanu maamulkiisa ogolaan doonin in hey'adaha gargaarka sida ee kasoo daga garoonka diyaaradaha aadan C.lle ee Muqdisho ay u gudbaan deegaanada ay Al-shabaab ka taliyaan sabab amni darteed.
Warar Keydmedia Online
Tarsan: Hey’adaha ka soo daga garoonka shabaab uma tagi karaan

Waxa uu kula taliyay Tarsan in hey'adaha ajnabiga ah ee gargaarka wada ay ku wareejiyaan gargaarka hey'adaha maxaliga ah si ay iyaga u qeybiyaan,iyadoo la ogyahay ku tirsanayaasha hey'adaha maxaliga in ay musuq maasuqaan gargaarka shacabka.

Hadalkan ka soo baxay Tarsan ayaa ku soo beegmay xili dhawaan dowlada ay xirtay muda saacada ah samafalayaal Turki ah kuwaasoo cadeeyay in amaan ahaan deegaanada ay shabaab ka taliyaan ay wanaagsan yihiin.

Tarsan ayaa sheegay in Al-shabab ay yihiin koox maleeshiya ah oo aan kala amar qaadan sidaa darteedna aan la aamini karin balan qaadyadooda amni, waxaana uu cod dheer ku sheegay in wiil yar oo amniyaad ah uu bastoolad ku qaarijin karo gargaar sidayaasha.

www.keydmedia.net