The Star: “Soomaaliya iyo Kenya oo wadaagaya kheyraadka badda”

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen inay si siman u wadaagaan wixii dakhli shidaal ah ee ka soo baxa badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay.

Warar Keydmedia Online
The Star: “Soomaaliya iyo Kenya oo wadaagaya kheyraadka badda”

NAIROBI, Kenya -  Warbaahinta ka howl-gasha magaalada Nairobi ayaa warineysa in Kenya iyo Soomaaliya, ku heshiiyeen inay si siman u wadaagaan wixii dakhli ah ee ka soo baxa saddex-xagalka badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay, kaas oo dacwadiisa loo gudbiyay Maxakamadda Cadaaladda Adduunka.

Sida ay tabisay Daily The Star, Heshiiskan waxaa garwadeen ka ahaa Qatar, waxaana uu sababay in dhowaan uu dib u soo laabto xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, ka hor inta aan xukuumadda Nayroobi mar kale hoos u dhigin calanka diblumaasiyadda.

Laba sano ka hor Qatar waxay ka iibsatay shirkadda shidaalka Talyaaniga ee ENI baloogyo ka mid ah saddex-xagalka badda Soomaaliya ee Kenya dooneyso in ay boobto, waana sababta ay labada dal ugu qasbeyso in ay aqbalaan waxa ay meerineyso.

Haddii arrintaan ay u jirto, sida ay saakay warineyso warbaahinya Kenya, waxa ay guul weyn u tahay Kenya iyo Qatar, halka ay dhabar jab xoogan ku noqon doonto, hoggaanka hadda jooga Soomaaliya, maadaama aysan Shacabka Soomaaliya ogolaan doonin wax ka sokeeya go’aanka ICJ.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.