Tirada ‘Canshuurta’ ay Kooxda Al-Shabaab ka qaado Shacabka Muqdisho 

Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya oo gaareyso in ka badan 360 milyan oo doollar, ayaa ku tiirsan dhaqaalaha laga soo aruuriyo shacabka Muqdisho marka laga tago taageerada Caalamka.

Warar Keydmedia Online
Tirada ‘Canshuurta’ ay Kooxda Al-Shabaab ka qaado Shacabka Muqdisho 

Muqdisho - Soomaaliya - Magaalada Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha dowladda Soomaaliya ku tiirsantahay ayaa waxaa dhinaca kale lacago ka qaada kooxda Al-Shabaab, oo ku xoog badan meelo kamida gobolada dalka

Dowladda Soomaaliya Canshuur aruurinta waxaa u qaabilsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir, oo goobaha Ganacsiga, Dekadda iyo ilaha kale si maalinle ah canshuurta ka qaado, taas oo si toos ah loogu shubo khasnadda gobolka iyo Bangiga Dhexe, wallow musuq iska jiro.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa canshuur lamid ah ama ka badan tan dowladda ka qaada ganacsiga waaweyn ee magaalada, waxeyna canshuuraan Kunteerada ka soo dego Dekadda, iyagoo ku qaadanaya lacagta hab elektaroonig ah [EVC Plus] oo u fududeysay mid kamida shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Hadaba iyadoo arintaas ay jirto ayaa madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ka dhawaajiyay arin lala yaabo oo ku saabsan gacmaha badan ee dhaqaalaha ka aruursado shacabka degan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, gobolka Banaadir iyo Al-Shabaab magaalada Muqdisho sanadkii ka qaadaan lacag gaareyso 1 Bilyan oo dollar, iyadoo ay u sii dheertahay shacabka amni darro iyo dhibaatooyin kale.

“Xamar waa magaalada ugu badan Soomaaliya ee canshuurta laga qaado, Dowladda Federalka, Gobalka Banaadir iyo Al-Shabaab marka la isku daro waxey ka qaadaan 1 Bilyan oo Dollar sanadkii, waxaana u dheer amni darro iyo dhibaato kale oo caasimadnimada ku soo gaara,” Madaxweyne Waare oo ka hadlayay shirka Dhuusamareeb ayaa sidaasi yiri.

Al-Shabaab oo ku xooggan qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa la aaminsanyahay in ganacsatada ku sugan magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ka qaadaan canshuur, iyagoo dil ugu hanjabo qofkii amar diido sameeyo.

Muqdisho ayaa qeyb ka noqotay magaalooyinka bur-burkii ugu xooganaa ka soo gaaray dagaaladda, waxaana isku dhaafay gacan ku heynteeda maamulo kala duwan, kuwaas waqtiyo kala duwan dhaqaalo uga aruursaday, taasoo ay u sii dheertay amni darro iyo dilal qorsheysan.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.