Ujeedka fowdada Farmaajo ee joogtada noqotay

Farmaajo, wuxuu rumeysan yahay in kaliya waddada uu kooxdiisa kaga badbaadin karo in la hor geeyo sharciga ay tahay dagaalo kharaar oo ka dhaca Muqdisho, taas oo sababta khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Warar Keydmedia Online
Ujeedka fowdada Farmaajo ee joogtada noqotay

MUQDIHO, Soomaaliya – Farmaajo ayaa qaaday tallaabo kale oo naf-lacaarimo ah, si kooxdiisu uga baxsadaan gacmaha sharciga, wuxuuna ku dhaqaaqay waddo mugdi ah oo uusan hubin in uu ku badbaadi doono.

Farmaajo oo muddadiisii sharciga ahayd dhamaatay siddeed bilood ka hor, isla-markaana sifo sharci-darro ah ku jooga Madaxdooyada, ayaa sheegay inuu shaqo-joojin ku sameeyay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo billowgii bishii May lagu wareejiyay Amniga iyo doorashooyinka dalka.

Dhamaan tallaabooyinkii uu Farmaajo qaadayay maalmihii la soo dhaafay, waxuu u jeedkoodu ahaa in uu marin-habaabiyo kiiska Ikraan Tahliil Faarx, oo ku maqan gacanta kooxdiisa uu hormuudka u ahaa eedeysane Fahad Yaasiin, oo Ra’iisul Wasaaruhu uu dhawaan ka raacdeeyay shaqadii NISA.

Farmaajo, wuxuu ku fashilmay inuu dhaqan galiyo dhamaan waraaqihii fowdada ahaa ee uu soo saarayay maalmahaan, taas oo jirta hadana, wuxuu wali soo saarayaa go’aanno aan dhaqan gali karin, hayeeshee, sii siyaadin kara xasaradda siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, wareegtooyinkii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ay dhamaantood dhaqan-galay, waxaana hoggaanka Wasaaradda Amniga la wareegay Wasiir Cabdullahi Maxamed Nuur, halka Bashiir Goobe, si buuxda u maamulayo ha'adda NISA, isla-markaana loo dhiibay miisaaniyadda hay’adda.

Farmaajo, wuxuu rumeysan yahay in kaliya waddada uu kooxdiisa kaga badbaadin karo in la hor geeyo sharciga ay tahay dagaalo kharaar oo ka dhaca Muqdisho, taas oo sababta khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Wuxuu geed dheer iyo mid gaaban u koraya siduu u dabooli lahaa kiiskaan, oo waddo u noqon kara in oodda laga qaado dhamaan falalkii guracnaa iyo gabbood-falladii ay kooxdiisu fulinayeen afar sano iyo barkii la soo dhaafay.

Kaliya Farmaajo kuma ekaan doono tallaabadan, wuxuu abuuri doonaa falaal danbiyeedyo waaweyn, waxaana hadda Muqdisho ka billowday dadaallo isku xiran oo ay wadaan bulshada qeybaheeda kala duwan, kaas oo looga hor tagayo fidnada uu Farmaajo la magan yahay Caasimadda iyo guud ahaan dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.